Wikipedia sowiki https://so.wikipedia.org/wiki/Bogga_Hore MediaWiki 1.48.0-wmf.3 first-letter Media Special Talk User User talk Wikipedia Wikipedia talk File File talk MediaWiki MediaWiki talk Template Template talk Help Help talk Category Category talk Portal Portal talk TimedText TimedText talk Module Module talk Event Event talk Ayaanle cayr 0 18100 311774 306110 2026-11-05T16:31:06Z ~2026-58867-24 48168 /* */ 311774 wikitext text/x-wiki == Hordhac == '''Ayaanle Cayr/Ayaanle Caroole''' waa beel ka tirsan beesha [[Cayr (beel)|Cayr]]''', Habar Gidir''' waana beel tira badan laguna sheego inay yihiin beesha ugu balaaran Habargidir iyo Cayr ee daga Koonfurta, Waqooyiga, Galbeedka iyo bartamaha Soomaaliya iyo Dowlad Deegaanka Soomalida Ethiopia. Ayaanle waa beel taariikh ku leh Somalia waxaa ka dhashay halyeeyo caan ka ah guud ahaan geyiga ay Soomalidu degto waana dad gobonimada iyo halganka Soomaalida qayb weyn ka qaatay. Taariikhda beesha ay leedahay maaha mid halkaan lagu soo koobi karo balse sharaxaad kooban waanu ka bixin. == Dhalashada beesha iyo siday u kala baxaan == Beesha Ayaanle Cayr waa beel ka tirsan beel weynta Cayr Maxamed. Dad badan ayaa u haysta inuu odaygii Cayr Maxamed dhalay Ayaanle balse arinku sidaas maahan. Cayr Maxamed iyo Ayaanle Caroole dhowr fac oo odayaal ah ayaa u dhaxeeya balse dadka ayaa Ayaanle Cayr isaga waca. Odayga Ayaanle waxaa wada dhalay Caroole Axmed oo Aabahiis ah iyo Hooyadiisa Faadumo Xassan Gaalshireed oo u dhalatay beesha Mareexaan Reer Xasan walaalahiisa waxaa kamida Babaanshe Caroole iyo Suubiye Caroole oo ay isku bah yihiin iyo Cabsiiye Caroole iyo Caalin Caroole(Reer Ugaas) oo ay Aabo wadaagaan. Abtirka saxda ee beesha waa: '''Ayaanle, Caroole, Axmed, Cabdalle, Samadoor, Dhowrakace, Abti-Edeg, Mucle 'Tolweyne', Cayr Maxamed, Madarkicis, Hiraab.''' meeshaan ka eego wada dhalashada beesha [[Cayr (beel)]]. Ayaanle Caroole waxaa la sheegaa waagii uu noolaa aabahiisii Caroole Axmed inuu u duceeye uuna ugu duceeye inuu noqdo qof tarma oo tigaada oo guusha la derista xaqa ilaaheyna ku dirira. Aabahii ayaa ku yiri Ayaanlow qaac aan la qaban karin Alle hakaa yeelo oo loola jeedo inay noqdaan dad aan dhabar go'in. Odayga Ayaanle Caroole waxuu ku dhashay meel hada loo yaqaan Bulacle oo Dhuusamareeb wax yar Bari ka xigta wuxuuna ku aasan yahay Gobolka Mudug qaas ahaan meel lagu magacaabo Geed Jimcaadkii Ayaanle oo ku taala degmada Xarardheere oo ka yara baxsan magaalada Xarardheere. Ayaanle waxuu dhalay 3 wiil oo tarantay iyo mid dhintay isagoon wax dhalin waxayna ahaayeen labo bah. # '''Weheliye''' '''Ayaanle''' oo loo yaqaan '''Cumar Weheliye''' # '''Fiqi Cumar Ayaanle''' oo loo yaqaan '''Fiqishini''' # '''Aybakar Ayaanle''' oo ah Yaraanka Ayaanle # '''Aflax Ayaanle''' oo aan wax awlaad ah ka tagin isagoo si kama' ah loo dilay. Weheliye waa bah gooni halka inta kale isku bah yihiin. === '''<big>1.Weheliye Ayaanle</big>''' === wuxuu dhalay hal nin kaliya oo ah: # '''Cumar Weheliye''' Cumar Weheliye 3 reer ayuu u kala baxaa '''-Reer Liibaan (Liibaan Maxamuud)''' '''-Reer Ciyoow (Ciyoow Maxamuud)''' '''-Reer Ilmo Adeero Cumar''' Reer Ilmo Adeero Cumar waa beel ka kooban dhowr jufo oo Cumar Weheliye ku wada abtirsada. Jufoyinkaan waxaa la isugu geeyay si loo mideeyo awoodda reeraha, mag-bixinta, qaaraanka, iyo nidaamka is-difaaca, kadib dagaallo badan oo saamayn ku yeeshay beesha. Jufooyinka ka kooban Reer Ilmo Adeero Cumar Reer Ilmo Adeero Cumar waxay ka kooban yihiin toban (10) jufo-hoosaad, kuwaas oo ka soo farcamay Cumar Weheliye: 1. Reer Xusen Cumar Wehliye (Xusen Gurmo) 2. Reer Gurey Cumar Wehliye 3. Reer Samatar Gondaweyne Cumar Wehliye 4. Reer Amin Gondaweyne Cumar Wehliye 5. Reer Kheyre Gondaweyne Cumar Wehliye 6. Reer Gabow Mohamoud Gondaweyne Cumar Wehliye 7. Reer Goobaale Mohamoud Gondaweyne Cumar Wehliye 8. Reer Idle Mohamoud Gondaweyne Cumar Wehliye 9. Reer Afrax-dheere Mohamoud Gondaweyne Cumar Wehliye 10. Reer Cigale Mohamoud Gondaweyne Cumar Wehliye === '''<big>2.Fiqishini ama Fiqi Cumar Ayaanle</big>''' === Fiqi Cumar waxuu ahaa nin Fiqi ah oo diinta si fiican ugu soo bartay magaalada Harar ee Ethiopia ku taal oo ahayd xarun diimeed waayihii hore. Waxuu ahaa nin Sheikh ah oo dadka diinta iyo quraanka bara weliba waxaa la sheegaa in uu aad u baray quraanka dadka uu ka dhashay iyo qolooyinka uu hadhow la dagay ee dega Sool iyo Sanaag. Waxuu ku aasan yahay degmada Xudun ee gobolka Sool waxuuna dhalay 2 wiil waxayna kala yihiin: '''1-Xassan Fiqi Cumar''' '''(Kuuloow)''' oo degan Galgaduud iyo hiiraan. '''2-Ismaaciil fiqi Cumar''' oo ay ka soo jeedaan afarta ardaa ee beesha Fiqishini ee degan gobolka Sool ahna xooga iyo tirada Fiqishini. Fiqi Cumar sababta keentay inuu u guuro gobolka Sool waxay la xiriirta dhimashada walaalkiisa Aflax Ayaanle oo si kama' ah uu u dilay ina adeerkiisa oo ina Babaanshe Caroole ahaa. Fiqi Cumar wuxuu codsaday in 100 halaad laga bixiyo walaalkiisa la dilay halka Cayrkii iyo Caroolihii waagaas joogay ay soo jeediyeen in 2 halaad oo mag ah la bixiyo maadaama dilku kama' ahaa, ahaana wax tolka ka dhex dhacay. Markii arinka la isku mari waayay ayuu Fiqi Cumar go'aansaday inuu ka carraabo geyiga reerkiisa degnaayeen. Isagoo sii socda ayaa waxaa faras uga daba yimid Aybakar oo ahaa walaalkiisa ka yar isku bahna ahaayeen. Aybakar ayaa isku dayay inuu Fiqi Cumar ku qanciyo inuusan guurin hase yeeshe Fiqi Cumar wuu ka dhego adeyge soo jeedintaas. Aybakar ayaa ugu dambayn ka codsaday walaalkiisa inuu labadiisa wiil mid u reebo waana sababta Xasan Fiqishini ugu nagaaday Koonfurta halka Ismaaciil uu ku tarmay Waqooyiga Somalia. <ref>Caaqil Cabsiiye</ref> === '''<big>3.Aybakar Ayaanle</big>''' === Aybakar waa yaraanka Ayaanle Cayr da' ahaan, waxuuna dhalay 2 wiil waxayna kala yihiin '''1-Maxamuud Aybakar (Reer Maxamuud Qurbac)''' * Jibriil Maxamuud * Samatar Maxamuud '''2-Weheliye Aybakar (Reer Weheliye Dheere)''' * Gaban Weheliye * Sharmaarke Weheliye * Jalo Weheliye == Taariikhda Beesha == Beesha Ayaanle Cayr waxay leeyihiin taariikh aad u fog waana beel lagu tilmaamo inay hormuud u yihiin walaalahood Cayr Maxamed iyo guud ahaan Beesha Habargidir. Ayaanle waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dad geesiyaal ah xaga dagaalka iyo cadow la dirirka. Waxaa ka dhashay Saraakiil ka dhex xusan taariikhda Soomaaliyeed oo la diriray cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal, General Abdulqadir Cali Diiriye 'Subxaanyo', General Maxamed Xaashi Maxamuud 'Shabeel', Korneyl Xasan Daahir Aweys iyo dad kaloo badan oo Somalida usoo hoyay taariikh wanaagsan. Waa dad Soomaalinimada ay ku weyntahay. === <u>Taariikhda beesha isticmaarkii ka hor</u> === ==== Cabdille Faarax Caddow Goroyo <nowiki>''Cabdulle Guure''</nowiki> ==== Xiligii imaamadii [[:en:Hiraab_Imamate|Hiraab]] jirtay waxaa beesha Cayr hogaanka u haaye beesha Yabadhaale Cayr oo ah jufo kamida jufooyinka beesha Cayr oo xiligaas beesha Cayr ugu tirada iyo xooga badnayd. Nin la dhihi jiray [https://www.youtube.com/watch?v=8rhjclA1lqo Cabdulle Guure] oo u dhashay beesha Yabadhaale ayaa qarnigii 1700 hogaanka u qabtay guud ahaan beesha Cayr. Cabdille waxaa lagu xusaa inuu ahaa nin adadag oo hogaan adag leh isla markaana aad u caqli badnaa. Waxuu ahaa nin dagaal badan, mar walbana tolkiisa Cayr ayuu ku tashan jiray inay difaacaan saldanadiisa iyo guud ahaan Saldanadii hiraab uu ka tirsanaa. Cabdille waxaa lagu sheegaa inuu ahaa ninka keliya ee beesha Cayr wada xukuma taariikh ahaan warkiisana ay dhageystaan kuna dhaqmaan. Beesha Ayaanlena si gaara ah ayeey isagu ula socdeen oo beelaha kale uga soocnaayeen waxayna u ahaayeen tiir dhexaad uu ku tashto. '''<sub>Dagaalkii lafo gumcadle</sub>''' Beesha Ogaadeen gaar ahaan jufada Makaahiil ayaa hada kahor iyagoo abaari keentay soo dagay dhulka ay beesha Cayr degnaayeen. Waxaa dhulka ku soo dhoweeyay Cabdille Guure oo Somalinimo iyo ehelnimo ku soo dhoweeye wuxuuna dejiyey deegaanka Bulacle iyo aaga ku hareereysan oo dhuusamareeb Bari ka xigta waxuuna u ogolaaday inay dhulka daaqsadaan xoolahooda, biyuhuna ka cabbaan ceelasha inta abaarta laga baxaayo. Muddo sidii ay dhulka u joogeen uguna nagaadeen heer loo ogolaaday inay Ugaaskooda Xersi Fiin ku caano shubtaan deegaanka, ayeey bilaaween inay fidno ka kiciyaan deegaanka. Deegaanka Bulacle oo xarun u ahayd beesha Cayr ayeey Makaahiilkii la soo dhoweeye dileen niman u dhashay beesha Ayaanle Cayr oo weliba Reer ilmo adeero cumar ahaa. Reer Xuseen gurumo iyo reer Aamin. Nimankii Makaahiil waa laga dabo ergeeye waxaana lagu yiri magta iska bixiya oo dhulka nabadii la idinku soo dhoweeye ku jooga. Nimankii Ogaadeen waa ay ka dhego adeygeen arinka waxayna bilaabeen inay si kibir leh ergadii beesha Cayr ula dhaqmaan waxayna isku dayeen inay dhulka xoog ku degaan iskuna fidiyaan. Muddo sidii looga dabo ergeynaaye ayuu Cabdille Guure waxuu bilaabay abaabul ciidan iyo guubaabo waayo waxuu ahaa hogaamiye naceb bahdilka iyo islaweynida. Cabdille intuu abaabulka waday jufooyin ka tirsan beesha Cayr ayaa dagaalka ka baaqday oo ay kamid yihiin jufada Yabadhaale ee Sabuux wace uu isaga ka dhashay oo u kacay dhinaca bari iyo Xarardheere. Cayrku beel ahaan waa beel aad u dhib badan xaga talada dhexe weyna adagtahay in xil, xayndho iyo ciidan Cayr ah meel la isugu geeyo si ay arin u wada dhameeyaan ama ka soo baxaan. Cabdille intuu abaabulka waday beelo badan oo Cayrka ah ayaa kaalintii laga rabay inay ka soo muuqdaan liicay. Cabdille waxa uu go'aansaday inuu Tix gabay ah tiriyo oo guubaabo ah isaga oo ka carreysan sida ay Cayrka u kala gaabiyeen balse ku ballamay inuu aarsan doono intuu reer Ayaanle garab ka helaayo oo waagaas ahaa beel aan aad u badnayn. Waxuuna gabayga u dhacay sidatan: '''<nowiki>''</nowiki>''Eebow Ayaanlaan kuu ahay odaga aan sheegto''''' '''''inta kalana uurkiyo afkey iga inkaaraane''''' '''''Nimankii idiinta u ekaa amase Reer Aamin''''' '''''allashoobyadii Reer Xuseen sow angaran maahan''''' '''''asaraarka aadamigaa waa loogu dowgalayee''''' '''''ilaahayow inaan aarsadaa wey ii ekoontahay<nowiki>''</nowiki>''''' Cabdille waxuu guubaabada sii raaciyey intaan isaigoo Ayaanlaha kicinaayo markuu hiil ka waayey Cayrka kale: '''''<nowiki>''</nowiki>Aaway gaadiyo guufiyo Guuleedkii gadfanaa ee gabbuun qaadka badnaa''''' '''''Aawaya geesa cagaartii reer Xuseen gurumo''''' '''''Gurboodkii yaryaraa iyo Maxamuud Gondaweyne''''' '''''Geesi yaalkii tolkeey iyo meeye geeyshkii Ayaanle?''''' '''''Gulufkaan geli dooniyo keena gurmadka''''' '''''Ninkii Gaabiyee caawo gadaal uga laabtay''''' '''''Gabadhuu dhali dooniyo geyaankeena hadhowa''''' '''''Guurku waa ka mamnuuc'''''' Cabdille markuu leeyahay ninkii gabiyey caawee gadaal uga laabtay waxuu ula jeedaa cidiisa ee dagaalka diiday. SIdaas ayuuna Reer Ayaanle ku soo dagaal galiyay waxii ay waran iyo falaar heysteen intay gurteen ayeey Cabdille dagaalka u raaceen raggii gardarada ku laaye dadkoodana mid dhintay iyo mid baxsaday ayeey ka yeelee. Dagaalka dhowr maalmood buu socday farahana waa la isaga gubtay waxuuna ka dhacay deegaan isku xirkiisa tahay 1200km<sup>2</sup> oo u dhaxeeya Ina med, Cadaxaar, Lafo gumcadle, Kediye, Afweyn, Bulacle oo Dhuusamareeb Bari ka wada xiga ilaa Xaduuda itoobiya deegaanada kala ah Ceel Habreed iyo Xamar tuurad oo ahayd halkii lagu qabtay Ugaaska Makaahiil Xersifiin. Xersifiin iyo beeshiisa waxaa lagu amray inay soo wareejiyaan boqol nin oo ka dhashay oo dagaalyahano ah hadii ay nabad rabaan kaddibna boqolkii nin qoorta ayaa laga wada jaray. Cabdille markuu Xersi fiin qabnaayey waxuu ku yiri: Boqol rag ah ii soo bixi bixi Xersi fiinow Xersifiin boqolkii rag wuu bixiye isaga oo aan rabin inuu bixiyo. Xersifiin waxuu yiri isagoo carreysan: Cabdillow waad i gumeydayee gun Alle haa kaa dhigo waxaana Alle ka barye inuusan bahdaa(Cayr) boqol ka reebin. Cabdille ayaa u jawaabay oo yiri: Xersifiinow doqon baa tahay hadaad xidigaha iyo ayaamaha wax ka ogtahay waxna ishaari kartid waxaad ogaan lahayd in xalay xil iigu dambeyse *Tolweyne* Cayr ayaana cawada xilka la wareegaayo ee boqolka nin iga soo wareeji. boqolkii nin iyagoo la soo wareejiye ayaa isla bartii lagu dilay iyagoo laga aaraayo kibirka ay nimankii kowda hore ku dileen iyo dagaalka ay la galeen beesha Cayr. <nowiki>*</nowiki>Tolweyne* waa Cayr intiisa kale marka laga reebo Beesha Yabadhaalo oo waagaas aad u badnayd lana ekayd Cayr intiisa kale. Ugaaskii markii dagaalka looga adkaaday Cabdulle Guure gabay buu raaciye uu ugu baanaayo inuu ka adkaaday Xersifiin waxuuna yiri: '''''<nowiki>''</nowiki>Ugaaskii Xaglaha weynaa xaaluf baa galaye''''' '''''Xersifiin ma soo dhugan wuxuu xoolo soo tubaye''''' '''''Xunbo daadataa laga dhigiyo xoor dabayl helaye''''' '''''Xir galoolan baa lagu celshiyo xagar madowgiye''''' '''''Aniguna xanaaq baan qabaye xuliye teydiiye''''' '''''Xagga xabashiduu ukacey ninkii godobta noo xeeray''''' '''''Xayawaanka sida fardaha xamarka mooyaane''''' '''''Xiliyada kuleylkaa xil baa saaran gooniya<nowiki>'e''</nowiki>''''' ==== Cumar Oreey ==== Cumar Oreey waxuu la xilli/ammin noolaa Cabdille Guure qarnigii 1700 isaga iyo Cabdille Guure taariikh badan dhex martay. Cumar Oreey waxuu u dhashay Reer Ayaanle reer ilmo Adeero waxuuna ahaa nin abaanduul ah oo reerka ku hogaamiya iska caabin iyo iska celin markii lagu soo duulo. Cumar Oreey waxaa fariisin u ahayd meel ka hooseysa magaalada Ceelhuur ee gobolka mudug oo maanta loo yaqaan Burkii Cumar Oreey waxayna ciidankiisu isku xirnaayeen illaa iyo Bulacle. Waagii uu Cumar Oreey noolaa Cabdulle Guurana uu noolaa waxaa dhulka beesha Cayr ku habsaday Jiilaal adag. Cumar Oreey nin culumo ah oo diinta yaqaan wuu ahaa hadane colka soo weerara reerkiisu iskama daawan jirin oo wuu dagaalami jiray oo tolkiisa ayuu gardarada ka difaaci jiray. Cumar Oreey oo xidid la ahaa Beesha Mareexaan derisna la ahaa ayaa waxuu beesha Cayr kula taliye inay u guuraan dhulka Mareexaan oo roob ka da<nowiki>'ay. Waxuu yiri ''War heedhe Cabdillow Cayrka abaartu haku horinine dhinaca mareexaan baa roobkii maraye axdina waan la galaye na mariya aan Awrta ku furane dhulkooda waxba naga hallaabi maayaane''</nowiki> Cabdille waagaas Mareexaankii aad ayeey isu haayeen umana cuntamin inuu iyaga u guuro waxuuna yiri <nowiki>''Roobka dhulka mareexaan maray oo daruurteeda hadeer dusheena saarantahay waxba haka cararinee abaarta, ilaahey wuu noo jeedaa aan halkeena ku sugano roobka waan ku heleynaaye''</nowiki> Wuu diiday Cumar Oreey inuu Cabdille dhageysto isaga iyo reero badanne waa ay guureen. Nin Gabooye ah oo Mareexaanka la degnaa baa inta u yimid Cumar ayuu waxuu ku yiri <nowiki>''Caano iigu shub dhiisha saaka kadib inaan la iga siin baan u maleynaya''</nowiki> oo ah digniin in lagu soo aadan yahay oo la weerari rabo. Cumar Oreey wuu fahmay digniinta waxuuna Geelii iyo cidahii usii daayey dhinaca Cayrka oo abaartu heysate. Geelii inteysan gaarin dhulka Cayrka degnaa ayaa nimankii Mareexaan soo duuleen waxeyna dhaceen Geelii waxii ay ka gaari kareen iyo xoolahii rag dhowr ahna wey dileen. Cumar Oreey iyo intii la socotay oo qeylo dhaan ah ayaa u noqday halkuu Cabdille Guure joogay iyagoo leh waa nala dhacay. Cabdille wuu hadlay waxuuna yiri asigoo Cumar Oreey ku xanaaqsan '''''<nowiki>''Axmaqyahow caqliga gaaban lihi Awr la'</nowiki> baa maanta tahaye''''' '''''Maku iri ha degin irdood iyo Ximan ileygooda (Oo bari uga aadan dhuusamareeb)''''' '''''Maku iri Orshe markaad maree Awrta dib u laab''''' '''''Maku iri Afweyne haku furin adigu malaheyne''''' '''''Maku iri Axdiga la isku maray beyd kama abuurna(Oo uula jeedo mareexaanku axdi ma ilaaliyaan)''''' '''''Aamina rasuulka iyo halkuu ina Oreey joogay''''' '''''Maku iri axdiga la isku maray beyd kama abuurna''''' '''''Maku iri nin aradood qaba oon eedin lama sheegin.<nowiki>''</nowiki>''''' Cabdille ujeedada gabaygiisa waxay ahayd inuu Cumar usheego inaysan Mareexaan xididtinimo xeerin, ayna ugu sii daran tahay hadii reerkaagu col kala dhexeeyo iyaga. Waxaa xusid mudan in Cabdille Guure ruuxiisu ay abtiyaal u ahaayeen Mareexaan ayna soo koriyeen hase yeeshe uu waa dambe ka soo dhex baxay iyaga, tolkiisana dhex yimid. Wuxuu ahaa nin abtiyaashiisa aad u garanaayo waxay gooyaan iyo waxay galaanba. Cumar Oreey wuxuu goaansaday inuu dagaal galo isagoo tolkiisa wata waxaana gacanta mareexaan laga fara maroojiyey geelii ay dhaceen iyo geel ay lahaayeen iyo Ceelkii Gujaale oo Mareergur maanta loo yaqaan kadibna ay soo dageen beesha Cayr. Ninka Mareexaan ee waagaas Mareexaanka hogaan u ahaa xaga dagaalka waxuu ahaa Samatar Dhaandhoobe waxuuna ku calaacalay <nowiki>''Ceelkaa gujaalow hadii lagugu gaafeysto garbo qolaad ku raacdaba hadaan gacalo kaa dhowro''</nowiki> Gacalada waxuu ula jeedaa seedigiisa Cumar Oreey oo ceelka isaga kala wareege. Ceelka gujaale waxuu ahaa Ceel ey beelaha Gobolada dhexe dega oo dhan ka wada cabbaan waxaana Ceelka qoday Boqortooyda Ajuran. Waxaa ceelka gacan ku heyntiisa la wareegay beesha Sheikhaal waxaa sii xigay beesha Mareexaan waxaa la sii wareegay beesha Habargidir oo ilaa haatan dagan. Soomaalida waxay u badnaayeen dad markasta ku loolama carshinta iyo ceelasha, dhulka uu hada ka hor Cabdille Guure ku yiri Cumar Oreey war ha dagin waxaa ugu dambeyn dhulkaas wada qabtay oo la wareegay Cumar Oreey iyo Cabdille Guure oo wada socda waxayna Mareexaan u durjiyeen qorax u dhac/Galbeed. Dhulkaas waxaa ka mida Orshe, Qabatuur, Afweyne Banaan, Irdood iyo ximanka ka ag dhow Dhuusamareeb oo wada ahaa ceelal wanaagsan. Cumar Oreey waxuu qabay 4 naag oo Daarood wada ahaa iyaga mid ka mida naagaha daaroodkaa uu qabay ayaa waxay tiri: <nowiki>''Cumar Oreeyow Hawiye noqo isma laheyne ilaahey baa kaa dhigay''</nowiki> oo ay ula jeedo haddii aad Daarood ahaan lahayd magacaada geyiga oo dhan waa laga xusi lahaa hase yeeshe Hawiyaha maahan dad taariikhda ilaaliyo. Cumar Oreey waxuu ahaa nin culumo ah balse nin abaandula oo gobolada dhexe taariikh ku leh xaruntiisana ilaa maanta ayaa la booqdaa 250 Sano kadib faraciisana aad ayeey u badan yihiin. ==== Baayac mushtarnimada Beesha(ilbaxnimada) ==== Beesha Ayaanle kahor intaan gumeysiga dalka soo cag dhigin waxeey ahaayeen dad dhulka Soomalida degta ku dhaqan oo dhaqanka Soomaliyeed ee xoolo raacatonimada iyo reer guuraanimada ku dhaqan sida Soomaalida kale. Guud ahaan beesha Cayr iyo Hawiyeba weligood waxey ahaayeen reero la macaamila dunida kale. Waxaan ka soo xiganay Odayo dhaqameed u dhashey beesha Ayaanle in waagii hore ay jireen rag beesha u dhashay oo dalal kale u safri jiray waxna ku kala iibsan jiray dalalkaas iyagoo badda doon ku maraya ama walxaxoodaha ganacsiga xeebaha camirnaa la tegaayo halkaana ka ganacsanaaya. Waxay inta badan ku ganacsan jireen dhulalka Somalida sida magaalooyinka Xamar, Seylac, Mareeg, iyo Berbera. Dalka ay aadka u tagi jireen dadkii ganacsatada ahaa ee beesha waxuu ahaa dalka Yemen weliba magaalada Cadan. Goortii uu ingiriis soo cag dhigay uuna qabsaday wuxuu Xoghayaha Bulshada Somalida ee Cadan ka ganacsata u wakiishay nin Ayaanle Cayr ah oo Fiqishini ah oo la dhihi jiray Maxamed Daqarre. Waxyaabaha ay ka ganacsan jireen ayaa waxaa kamida Qaxwada, faan maroodida, Baal Goroyo oo carabtu aad u jecleed, Dhagorta xoolaha weliba idaha, Subaga, Biraha, Maacuunta deeganada iyo guud ahaan xoolaha. Waxyaabaha qaar ey ku badalan jireen waxaa kamida Xawaajka, Dahab, Biro, dhar ay gashtaan, cilmi ay bartaan, hub iyo waxyaabo kaloo badan. Talada guud ee beesha Ayaanle waxaa goyn jire Ugaaska beesha [[Cayr (beel)|Cayr]] oo hada toban oday soo tixan. Beesha waxay hoggaamo u gaar ah yeelatay kadib markuu isticmaarka dalka soo galay. === <small>Nabadoonadii ugu horeeye ay yeeshaan beelaha Ayaanle</small> === Ka hor intuusan gumeysiga dalka Somalia soo caga dhigan beesha Reer Ayaanle waxay ahaayeen beel hoos timaada Ugaaska Cayr oo ay weli hoos joogaan xukunkiisa. Hase yeeshe waxaa xiligaas soo if baxay baahi loo qabo in beesha yeelato talo hoose iyo nabadoono ka taliya danaha beesha sababo la xiriiri beesha oo aad u balaaratay iyo guud ahaan beesha Cayr oo noqotay dad aad u fara badan oo hal ugaas uusan arimahooda xallin karin. Waxaa la doortay 6 nabadoon oo talo dhexe ku lahaa arimaha beesha. '''Nabadoonada beesha Ayaanle waxey kala ahaayeen:''' '''Nabadoon Diini Beereed''' oo u dhashay jufada Reer Weheliye Dheere '''Nabadoon Sheikhdoon Cismaan Qeylo''' oo u dhashay jufada Reer Qurbac '''Nabadoon Coloow Aftaag''' oo u dhashay jufada Reer Ciyoow '''Nabadoon Mataan Axmed 'ilkoweyne'''' oo u dhashay jufada Reer Liibaan '''Suldaan Kaariye Kheyre Geed'''i oo u dhashay jufada Reer ilmo Adeero '''Caaqil Maxamed Cabsiiye''' oo u dhashay beesha Fiqishini. Sikasto haloo qeybiyo beesha weligood waxey ahaayeen dad isku duuban oo weligood gumeysigii dalka soo galay ka soo horjeeda mowqifkooduna waxuu ahaa Soomaali oo xor ah. Beeshu waxay aad uga soo horjeeday gumeysiga Koonfurta Somalia ka jirtay gaar ahaan Ceelbuur iyo agagaarkeeda oo ay beeshu degnayd. Gumeystaha Ceelbuur Talyaani u fadhiye ee magaciisu ahaa Captain Carolei waxaa dilay 11 oo Beesha Cayr ah weliba Ayaanle u badan. ==== Cigayoon ==== "Maandhow Hawiye maanan diran maanta ka horowe..." Allah ya raxma Cigayon Maxamed wuxuu ka mid ahaa kumaanyaalkii Darwiish ee beesha Fiqishini uga qayb galay halgankii magac iyo guulna u soo hooyey Soomaalida dagan Geeska Afrika. Cigayoon Maxamed oo Noolaa bilowgii qarnigii 19aad ma ahayn oo keliya mujaahid Darwiish ah ee wuxuu ahaa gabyaa ka mid ahaa khusuusidii ka ag dhoweyd sayidka ee uu talada iyo xogtaba weydiin jirey. Sida la malaynayo hilaadii 1901 ee qarnigii hore mar ay halganka Suldaan Diiriye Guure xoogiisu bilawga ahaa ayaa Sayidku u direy Cigayoon dhulkii ay maamulayeen isticmaarkii ingiriisku iyo inuu xog ka keeno gumaystaha iyo dadkii uu sayidku markaa u aaminsanaa iney midiidin u ahaayeen ingiriiska iyo xukunkiisa. Sayidku guubaabo Dhiirragelin, iyo tilmaanba siinaya darwiishkaa ayaa Wuxuuna ku yidhi: ''<nowiki>''</nowiki>Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe'' ''Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye'' ''Heelkaa horeetana Ilaah, hogol ha ka siiyo'' ''Geelkii Hargeysaad baruur, ka hirqan doontaaye'' ''Iiddoor waa hanfade, oo ku hubsan maayaane'' ''Hadey haybta kugu sii badshaan Habarjeclow sheego'' ''Hannaad baa Ilaahay ka dhigay, hoos u farara e'' ''Meeshay ku haasaawayeen, horay u sii joogso<nowiki>''</nowiki>'' markuu Cigayoon soo noqday isagoo Sayidka u warramayana wuxuu yiri: ''<nowiki>''</nowiki>Maxamedow geddoodii la baray gaala qurunleeye'' ''Soo guure oo waxay degeen Dabagallooleeye'' ''Wuxuu gaashka dhow damacsanaa Gobolkii dheeraaye'' ''Waagoo guduutay alaab gibila qaataan e'' ''Gubniyuu u kala joojiyaa gegi habaas weyne'' ''“Goo” iyo wuxuu “Raydh” lahaa waanan garaneyne'' ''Gudub bay u fuulaan fardaha gaban sidiisiiye'' ''Maxamedow darmaan gaaxsanaa gaari mahayaane<nowiki>''</nowiki>'' ==== Dilkii gaalka fadhiye degmada Ceelbuur sanadka 1925 ==== ===== <sup>Cabdulle Ciroobe</sup> ===== Cabdulle waxuu qeyb ka ahaa 11 nin oo u dhalatay beesha Cayr welibo Reer Ayaanle oo abaabulay dilka gaalkii fadhiye Ceelbuur(El-bur) ee la oran jirey Captain [https://dirzon.com/Doc/Details/telegram%3ATangigii%20tigreega.pdf Carolei]. Gaalka Ceelbuur fadhiyey ayaa maalin shiriyey cuqaasha degaanka wuxuuna ku amray inay u smaeeyaan 4 arrin oo liddi ku aheyd diinta suuban iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu amray in: * Subax walbo loo qalo doofaar * Bil walba loo keeno gabar jaariyad ah * Rag iyo awr isaga u adeega * Haween raashinka u kariya. Xiligaas waxaa gaalka Ceelbuur fadhiye la shaqeynaye nin la dhihi jirey Geelle Galaal oo adeer u ah Gen. Maxamed NUUR Galaal. Waxuu bilaabay abaabul lagu dili lahaa gaalkii uu isaga u shaqeynaaye. Maalintii loo qorsheeye in la dilo gaalka waxaa gudaha u galay gaalka 4 kamida 11 nin oo oo kala ahaa '''Geelle Galaal, Cabdule Ciroobe, Dhicisow Faarax Axmed iyo Cumar Samatar oo Majeerteen ahaa abaabulkana qeyb ka ahaa.''' 7 nin ee soo hartay waxay joogeen bananka waxeyna kuwa gudaha ku jiray ka ilaalinaayeen ciidanka talyaaniga oo banaanka jooge ee waardiye u ahaa Cap. Carolei si aysan isaga u badbadin. Ragga banaanka joogay waxaa ka mid ahaa '''Galaal Gawaafe oo dhalay Geelle, iimaan Sharmaarke, Kaariye gabarow, Dhoore beereed ikwk'''. Gaalka ninka legday waxuu ahaa Cabdulle ciroobe oo si adag ula legdamey markii uu ka fakaday labadii kale ee Cabdulle la socotay waayo waxuu Cabdulle ahaa ninka meesha ugu xooga badnaa surta ayuuna midi ka galiye gaalkii oo isku dayaaye inuu cararo markuu bastooladiisa waaye. Markuu Cabdulle qabtay gaalkii oo dhiig baxaaya waxuu u yeeray 3dii nin kale inay la qabtaan waxuuna dhowr jeer ka bireeye qoortiisa, calooshiisa iyo lugtiisa ilaa uu baqtiye. Gaaladii banaanka joogtay ayaa cabaadkiisa maqashay waxeyna isku dayeen inee badbaadiyaan balse ragga banaanka jooge ayaa la dirire oo iska caabiye. Sidaas ayuuna ku baqtiyey gaalkii. == Dadka wax galka ah ee ka dhashay beesha == General Maxamed Nuur Galaal General Cabdulqaadir Cali Diiriye "Subxaanyo" General Maxamuud Maxamed Xaashi "Shabeel" General Daahir Faarax Seed General Xasan Maxamed Xaashi <nowiki>''Anteeno''</nowiki> General Abdulqaadir Xaaji Diiriye "Hambacoor" General Mascuud Maxamed Warsame General Joondhoore Korneyl Xasan Daahir Aweys Xil. Mahad Maxamed Salaad Xil. Ilyaas Sheikh Axmed Xil. Maxamuud Salaad Nuur Xil. Salaad Cilmi Dhurwaa Dr. Mohamed Adam Jimcaale "Koofi" Wasiir Maxamuud Geelle Cilmi Korneyl Sheikhdoon Faarax Xalane Korneyl Maxamed Xirsi Dhoore "Curre" Korneyl Faarax Xaashi Maxamed-Carab Korneyl Maxamuud Cabdille Maxamed-Carab "Raambooye" Korneyl Af-iyo-Gacan Cabdille Maxamed-Carab Korneyl Bashiir Salaad Cilmi Korneyl Cabdi Guutaale Daqaf Korneyl Maxamed Ilkayare Korneyl Xersi Cali Mire Korneylad Ardo Faarax Cibaar Korneyl Maxamed Kaarabeyle } Korneyl Muxumad Kaarabeyle } walaalo Korneyl Cali Jiirow Sharmaarke Korneyl Cabdulle Dhanged Warsame Korneyl Gaambe Rooble Guure Korneyl Maxamed Cabdi Sandheere Korneyl Faarax Shiiwaar Ciye Korneyl Seerosento Korneyl Cabdi Nuure Siyaad "Cabdiwaal" Sheikh Daahir Aweys Sheikh Muuse Daahir Aweys Sheikh Maxamed Rashaad Sheikh Cabdikariim Maxamed Warsame Sheikh Cumar Cali Mire Abwaan Ismaaciil Geelle Faruur Abwaan Gabeyre Qool Mugooye Abwaan Xaashi Dugfaa Abwaan Dhuunkaal Faarax Barre Abwaan Axmed Faarax Kaahiye G. Baarlamaan Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan Gudoomiye Caliyare Cali Gudoomiye Maxamed Axmed Cantoobo Gudoomiye Cabdixakiim Dhagajuun Gudoomiye Faarax Cabdi Macalin Gudoomiye Cali Fahle Gudoomiso Maryan-Qani Subeer Gudoomiye Goleey Xasan Diini Gudoomiye Axmed Samatar-yare Nabadoon Maxamuud Jamaac Bootaan Nabadoon Bashiir Sheikhdoon Nabadoon Xasan Cabdullahi Ciidagale Nabadoon Muuse Xaashi (Goodir) Suldaan Mahdi Cabdirizaaq Maxamuud Suldaan Mustafe Awseed Ganacsade Xuseen Goleey Ganacsade Xuseen Cali Salaad Ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun Ganacsatad Daruuro Xirsi Dhagoole Ganacsatad Qadro Dagaal Siyaad Beerale/Ganacsade Saleebaan Maxamed Saalax Ayaanle farxaan ( boqorka) iyo dadkaloo farabadan oo aan halkaan lagu soo wada xusi karin 6hmleohx97fhu562eolkfwrl0u8e24r Shar 0 33268 311775 283349 2026-11-05T18:07:14Z ~2026-58823-30 48170 311775 wikitext text/x-wiki [[File:Demonic Figure With Horns And Fiery Background.png|thumb|[[Shaydaan]]ku waa shakhsiyadda xumaanta iyo fasaadka buuxda ee [[diimaha Axbiraamiyiin]].]] '''Shar''' ([[Af-Carabi]]:; {{lang-en|God}}) waxa ay tilmaamaysaa dabeecadaha ama falalka ama dhacdooyinka dabiiciga ah ee loo arko waxyeello, wax dumin ama anshax xumo oo ah isha dhibka akhlaaqda ama jidhka. Diimaha kala duwani waxay si kale u fasiraan waxa "shar". Falalka ama dabeecadaha qaar, sida [[Dilka|dil]], [[kufsi]], [[xatooyo]] ama [[Jirdilka|jirdil]] ayaa loo arkaa in ay caalamku ka shar. Ilaahay wuu arkaa shuqulladeenna xunxun. * [https://www.jw.org/so/wargeysyada/maxaa-cusub/war-wanaagsan-ilaahay-ka-yimid/wuxuu-ilaahay-u-oggolaado-shar-iyo-silic/ Muxuu Ilaahay u Oggolaadaa Shar iyo Silic?] ilizdzylv0o1a7fbklr6xbphhkvqppd 311776 311775 2026-11-05T18:08:21Z ~2026-58823-30 48170 /* */ 311776 wikitext text/x-wiki [[File:Demonic Figure With Horns And Fiery Background.png|thumb|[[Shaydaan]]ku waa shakhsiyadda xumaanta iyo fasaadka buuxda ee [[diimaha Axbiraamiyiin]].]] '''Shar''' ([[Af-Carabi]]: شر; {{lang-en|God}}) waxa ay tilmaamaysaa dabeecadaha ama falalka ama dhacdooyinka dabiiciga ah ee loo arko waxyeello, wax dumin ama anshax xumo oo ah isha dhibka akhlaaqda ama jidhka. Diimaha kala duwani waxay si kale u fasiraan waxa "shar". Falalka ama dabeecadaha qaar, sida [[Dilka|dil]], [[kufsi]], [[xatooyo]] ama [[Jirdilka|jirdil]] ayaa loo arkaa in ay caalamku ka shar. Ilaahay wuu arkaa shuqulladeenna xunxun. * [https://www.jw.org/so/wargeysyada/maxaa-cusub/war-wanaagsan-ilaahay-ka-yimid/wuxuu-ilaahay-u-oggolaado-shar-iyo-silic/ Muxuu Ilaahay u Oggolaadaa Shar iyo Silic?] koiljvxnttreycs6iolwibe6wis8nz5 311777 311776 2026-11-05T18:08:43Z ~2026-58823-30 48170 /* */ 311777 wikitext text/x-wiki [[File:Demonic Figure With Horns And Fiery Background.png|thumb|[[Shaydaan]]ku waa shakhsiyadda xumaanta iyo fasaadka buuxda ee [[diimaha Axbiraamiyiin]].]] '''Shar''' ([[Af-Carabi]]: شر; {{lang-en|evil}}) waxa ay tilmaamaysaa dabeecadaha ama falalka ama dhacdooyinka dabiiciga ah ee loo arko waxyeello, wax dumin ama anshax xumo oo ah isha dhibka akhlaaqda ama jidhka. Diimaha kala duwani waxay si kale u fasiraan waxa "shar". Falalka ama dabeecadaha qaar, sida [[Dilka|dil]], [[kufsi]], [[xatooyo]] ama [[Jirdilka|jirdil]] ayaa loo arkaa in ay caalamku ka shar. Ilaahay wuu arkaa shuqulladeenna xunxun. * [https://www.jw.org/so/wargeysyada/maxaa-cusub/war-wanaagsan-ilaahay-ka-yimid/wuxuu-ilaahay-u-oggolaado-shar-iyo-silic/ Muxuu Ilaahay u Oggolaadaa Shar iyo Silic?] ll4i8ws3h4ra2f1en6z7l4o1qloutkl 311778 311777 2026-11-05T18:11:02Z ~2026-58823-30 48170 /* */ 311778 wikitext text/x-wiki [[File:Demonic Figure With Horns And Fiery Background.png|thumb|[[Shaydaan]]ku waa shakhsiyadda xumaanta iyo fasaadka buuxda ee [[diimaha Axbiraamiyiin]].]] '''Shar''' ({{lang-en|evil}}; [[Af-Carabi]]: شر) waxa ay tilmaamaysaa dabeecadaha ama falalka ama dhacdooyinka dabiiciga ah ee loo arko waxyeello, wax dumin ama anshax xumo oo ah isha dhibka akhlaaqda ama jidhka. Diimaha kala duwani waxay si kale u fasiraan waxa "shar". Falalka ama dabeecadaha qaar, sida [[Dilka|dil]], [[kufsi]], [[xatooyo]] ama [[Jirdilka|jirdil]] ayaa loo arkaa in ay caalamku ka shar. Ilaahay wuu arkaa shuqulladeenna xunxun. * [https://www.jw.org/so/wargeysyada/maxaa-cusub/war-wanaagsan-ilaahay-ka-yimid/wuxuu-ilaahay-u-oggolaado-shar-iyo-silic/ Muxuu Ilaahay u Oggolaadaa Shar iyo Silic?] l45qtrwadhpy2u6t4jrq0a88t1sg7hf Talk:Cali Dhuux 1 54161 311773 2026-11-05T13:28:16Z Kuus123 47755 /* */ 311773 wikitext text/x-wiki Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad tgesx3d5epnwazs8pwuvqasptllbssf