Gadabursi traditional history
From Wikipedia
'GADABUURSI TRADITIONAL HISTORY'
Aniga oo magacaygu yahay Maxamed Cilmi Maxamuud waxaan rabaa in si balaadhan aan uga hadalo taariikhda rasmiga ah ee Gadabursiga ama tafiirtii sheekh (Muxumed, ama Sheekh Samroon)hadaba si jirta aduunkani aan ku noolnahay bulsho kaste oo meel ku nool oo la odhan karo magaca, waxay leeyihiin Asal-Raac fog oo ah mid ay ku noqdeen dadka jinsiyad ahaan meel kaliya ka soo jeeda.
Taariikhda rasmiga ah ee Sheekh Samaroon iyo Faraciisu mahan mid lagu soo koobi karo (Ilbaxnimada, Bulshonimo,Dhaqan,iwm) halkani base intii ilaahay naga garansiiyo ayaan halkani kaga hadli doona haduu Rabi Idmo.
Runtii taariikhada hore u soo jirka ah ee Dadka Gadabuursigu waa mid sal iyo raadku leh gabi ahaanba somaliya garahaan Qaybta Gobolada Waqooyiga halkaasi oo ah meesha sida rasmiga ah ay degaanka ugu yihiin. hadaba badaan dadkani waxaa lagu magaacaabaa dad matali kara bulsho weynta Somaliyeed qaybaheeda kal duwan ahana dadku kasbaday arintaasi qaybo badan oo udub dhexaad u ah qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin (dadnimo la dhaqan, Caqoon, Waayo aragnimo iyo xeeldheeri). Gadabuursigu waa dadkii ugu horeeyay ee madaxtinimo somaliya ka dhisan tahay qabtaa taasi oo ahayd Boqortooyadii (Ifad/ Awdal Empire) taasi oo ay fadhiisimaheeda ugu waa weyn ahaye Gobolka Awdal.
Gobolka Awdal waxaa uu ka tirsanan jiray dulmaamulkii Ingriiska waxaanu ahaa gobolka Awdal halkii ugu horaysay ee uu ka soo galo Ingiriisku markii u soo dagayay Somaliland ama gobolada waqooyi ee Somalia madashii ugu horaysay ee qorshaha ugu jiraytahay in uu dego waxay ahayd Magaalada Saylac oo markaasi hoos iman jiray ismaamulka Gadbuurisga runtiisa jirtay wakhtigaasina dadka reer Saylac dadka ugu Ilbaxsan ahaan dadka waayo arag ah ee markaasi maamulka iyo talooyinka gobolka wax laga su'aalo waxaa sidoo kale degaan magaalo madaxda Gobolka Awdal Markaasi. Hadaba markii ingrisku soo degayay dhulkaasi waxaa ay markii u horaysay is arkeen oday beeleedada reer Saylac kuwaasi oo lahaa dad waayo arag ah caqoon buuxdan u leh maamulka iyo hawlaha uu u socodo markaasi ayay odayaashu ay yidhaahdeen aan ogaano arinta uu u socodo ragasi ma talaya Ingriisa oo u socday in ay degaan ka dhigtaa Saylac ay raashinka ama saadka u dhigaan ciidamadood fadhiismiha ku leh Bariga Afrika iyo Jasiirada Carabta, Halkaasi ama magaalada saylac waxaa isku yimiday ragii matalayay ingiriiska waxaan ku yidhaahdeen waxaan idila soconaa Heshiis kaasi oon ku rabno dekada Saylac, si aan fadhiisin aan uga dhigano waa sida ay qormadu u dhignayde. ka dib markii ay arintii falan qeeyeen waxaa odayaasha reer Saylac waxay isku raaceen inay ka yeelan nidaamka ay u socodaan Ingiriisku, waxay ka dib ay odayaashii ay u sheegeen ragii matalayay Ingiriiska in waxii heshiis ah ay ku kala sexeexan doona Bada dhexdeeda iyaga oo arintaasi ka watay arimo waayo aragnimo leh oo ku tusinaysa sida ilbaxnimadoodu ahayd wakhtigaasi taasi oo ay ka dhax leen iswaydaarsigii u dhexeeyay jasiirada carabta iyo bariga afrika oo markaasi xudun u ahayd bariga afrika ahaydna halka ay ku soo degan jiren dadka ka kala socoda qoomiyahda kala duwan ee markaasi halkasi u imanaya ganacsiga ee haystay jinsiyada kala duwan.
Magaca Rasmigaa iyo Naanaysta
Hadii aan ka hadlo magaca Gadabuursigu waa naanays ku timid mar ay degaal kala dhex mareen qoomiyada Itoobiyaan ahaa ee la odhan jiray Galada mar ay islaayeen Boqortooyadii (Xamadu-Diin) halkaasi oo ay si goon ah ay ugu soo duuleen Qoomiyadaasi oo ay kolkaasi iska kaashadeen dadka Somaliyeed ee markaasi ka tirsanan jiray (Xamadu-Diin Empire)ee deganaa Gado halkaasi oo markii hore ay dadka somlaiyeed ay degaan ku ahaan jireen markii danbe ee farcankii soo badanayo ayaa waxa suurto gashay in ay u soo guuran dadka Samaroonku Deganka rasmiga ah ee hada degan yihin halkaasi waxaa lagu jabiyay Gaala (Oromo)sidaa darteed waxaa halkaasi ugu baxday labo magac oo kala ah markii hore ee ciidan ka uu soo kaxaystay oo loo bixiya (Gado-biirsay) iyo markii kale ee uu guulaystay oo loo bixiyay (Samroon) maga dhabtaana waa (Sheekh Muxumed)sida uu qoroyo buuga (Futuxul Xabash) waxaa uu ka soo jeeda Sheekh Muxumed Carabta oo aad ka heli kartaa taariikhda rasmiga ah ee bilaw ilaa dhamaan Sheekh Muxumed Ilaahay ha u naxaristee.
Magacaanta somalidu inta badan ay ku magacawdo dadkani
1. Gadabuursi 2. Samroon Siciid R 3. Reer Sheekh Muxumed
MAAMULKA AMA SANDANAD GADABUURSIGA
Gadabuursiga maamulka ugu sareeya ee ay leehiin waa Saladan ku dhisan UGAAS, SALAADIIN, XEERBEEGTI, maamulkani wax uu ku dhisan yahay labo dhinac oo kala ha Diiniyan iyo dhaqan Wadani ah oo suuban, Gadabuursi waxay saldanadoodu tirsataa 17 Ugaas qoyska SAMROON ee iska leh saldanda waxaa la yidhaahda Reer UGAAS, Waana hanta la yidhaahdo MAKAAHIL dhanka farcanka GADABUURSI oo u kala bax sadex oo kala ah sidan hoos ku qoran.
Xubnaha uu ka kooban yahiin.
1. Maxamad Case 2. Makaahiil 3. Habar Cafaan
Dadka Gadabuursigu waa dad runtii maamulkood iyo kala daynbay waligood lehaa ilaa iyo maanta aanwax isbadal sida wakhtigan hada jirta oo nin aabihiiba aan saldana meel ka soo galin hadaa Somalida kale u caleebo saarto, hadaba saldana Samaroonku waa mid aan is dhalan rogin oo sidii lagu yaqaanay ah
Hadii Taariikhda Rasmiga ah ee soo jireenka ahaa ee GADABUURSIGA aad rabto waxaa ka raadsataa buuga magaciisa la yidhado (FUTUUXUL XABASH) ee yaala magaalada herer garahaan maqaamka Sheekh CABDIL QAADIR, Buugasi ood ka heli karto Bilaw ilaa iyo dhamaystir Taariikhda Gadabuursiga,
DAGMOOYINKA IYO DAGAANKA GADABUURSIGA
Dadka Gadabuursigu waxay gadaan ahaan ay dagaan Gobolka Awdal gobolkaasi oo ay ka mid ah Gobolada Waqooyi ahan ka u xiga Cidhifka waqooyi ahan Gobolka ugu qanisan dhinaca Shidaalka lehna ilaa 3 ceel oo shidaal ah oo la sahamiyay oo aan wali la qodin oo leh shidaal Dabiiciyan ah, iyo waliba Gobolka Awdal waxaa kale oo uu leeyahay Ban wayn oo ku wanagsan dhinaca wax beerista, (banka Giriyaad)Waxaa kale oo uu leeyahay Gobolkani Buuro Dahab kuwaasi oo ay ka mid yihiin (Siimood iwm)dhamaan silsilada Golis ee martaa gobolka Awdal waa mid masno ah oo dhan waliba ku leh tixraac dahab gobolkani waxuu uu yahay mid bikrad ah oo wali dahaadhan yahay macadantiisi. Gobolkani Waxaa uu leeyahay bad aad iyo aad u baax wayn, sidoo kale gobolkan wax uu u qaybsan yahay labo is leeg oo kala ah buuralay iyo xeeb midkastaan uu ku wanaagsan yahay qaybaha biini adamku u baahan yihiin kuna hirgali karto meertada dadka waaqicaasi degan.
Dhinaca bada markaan eegno waxay bada gobolka Awdal ay leedahay jasirado caan ah oo la yaqaan kala ah sidan.
1. Sacadiin 2. Geedceebed
ahana jasiirada ugu waa wayn marka loo eego dhamaan jasiiradaha Bariga Afrika Soomliya, Gobolkani marka la barbar dhigo dhinaca beeraha Gobolka Waqooyi waa uu kaga horu marsan yahay marka aan ka eegno dhanka dhulbeereedka la isticmaalayo iyo dadka beranayaa sida ay waayo aragnimada buuxda ugu leeyihiin dhulka masnada ah sida loo isticmaalo, waxaa uu dhamaan Gobolka Awdal kaga qanisan yahay gobolad Kale ee Somaliya (Milixda).
INTA DAGMO EE UU KA KOOBAN YAHAY GOBOLKA AWDAL
Gobolka Awdal waxaa uu ka kooban yahay 4 dagmo kuwaasi oo kala ah sidaa hoos ku qoran
1. Degmada Borama 2. Degmada Baki 3. Degmada Lughaya 4. Degmada Saylac
Afartani degmo waa inta uu ka kooban yahay Gobolka Awdal kuwaasi oo aan meelaha qaar kood aan kaga soo hadalnay kor,
MAGAALO MADAXDA GOBOLKA AWDAL
Magaalo madaxda gobolka Awdal waa magaalada Baki taasi oo ah magaalo madaxda rasmiga ah ee Gobolka Awdal waxaanay ku taala magaalda BAKAI Dhulka ugu rooban uguna beeraha badan marka loo eeg Gobolka Awdal dhinaca roobabka iyo cimilada kaleba waxaanay leedahay magaalada waxyaabo faro badan oo aan odhan karno waxany kaga horumarsantahay dhulka kale, iyada oo Magaaladan ay leedahay Biyo dabiiciya oo filtaraysan kuwaasi oo aan u baahnayan in dib loo sii sifiyoo markii taasi oo la ogaaday markii khuburo cilmi u leh ay sahamisay oo ay u sheegan waxgaradka halkaasi degan.
MAGAALO MADAXDA BAKI IYO WAXBARASHADEEDA
Degmada inta badan dadka degan waa dad inta badan aaminsan sida khayradka dabiicigaa iyaga oo nidaamkoodu uu ku salaysan yahay nidaamka Interonational-ka ah ee loo isticmaalo beeraha waxsoo saarkeedna waxaa loo dhoofiyaa inta badan sida (Borama, Djibouti, Hargeisa iyo dhamaan Somaliland oo dhan. Degmadani waxay leedahay dhanka waxbarasha dugsiyo dhawr ah sida hoose/dhex / Dugsi sare/ iyada oo lagu talo jiro in laga dhiso jamacad wakhtiyada inagu soo foolka leh.