Gadabursi traditional history
From Wikipedia
GADABUURSI TRADITIONAL HISTORY
Aniga oo magacaygu yahay Maxamed Cilmi Maxamuud waxaan rabaa in si balaadhan aan uga hadalo taariikhda rasmiga ah ee Gadabursiga ama tafiirtii sheekh (Muxumed, ama Sheekh Samroon
Runtii sidaa aan ognahay ama aan ka wada war qabno Dadka Gadabuursigu waa dadka inta badaan lagu magaacaabo in ay yihiin dadka ugu caqoonta badan dadka Somaliyeed taasi oo ay tahay shayga kaliya ee ay ugu hormasan yihiin dadka ay wada dagan yihiin mawqica isku mid ah, ruunta midka kale ee intaasi u racaada waxay tahay iyaga oo ah dad ilbaxnimo leh taasi oo ay ku salaysnayd ilbaxnimooyinkii hore ee carabta taasi ood ku garan garto dhulka taarikhyankaa ah ee ay leeyhin sida (Saylac iyo Jasiira, Lugyahay, Bulixaar iwm) waxaad ka helikaraa ama aad ku arki kartaa maaglada Saylac waxyaabo taariikhyan ah taasi oo aad ku garan karto sidaa runtaa ilbaxnimada iyo taariikhada dheer ee ay lahayd magaaladaasi oo ah iyada oo uu ku yaala masaajid qaadiim ah kaasi oo leh (labo qiblo) dadka reer saylac waxay yihiin dadka ugu ilbaxnimada badan dhinac waaqiciyanka ah iyagoo leh waxaabo badan oo ay dadka kaga ilbaxnimo badan yihiin oo ay ka mid tahay Luuq gooni ah oo ay lahaayeen, Cayaaro hido iyo dhaqan ah oo ay lahaayeen, ilbaxnimada lafteed oo iyana ayaahaayeen mid ay ku faanan ama ay ku caansanaayeen
Hadii aan ka hadlo taariikhda ay ka soo aasaasmeen Gadabuursigu waa sidaan hoos ku qoran Magaca dadka Gadabuursi ay ka tafiirmeen waa la yidhaahda( Sheekh Muxumed) waxaana loo yahaqaan oo ay dadka Somaliyeed qaarba ay u yaaqan ilaa sadex Magac oo kala duwan
1. Gadabuursi 2. Samroon Siciid R 3. Reer Sheekh Muxumed
Hadaba magaca rasmiga ah waa reer SHEEKH MUXUMED ama Samroon Dadka Samroonku waa dadka ilbaxnimada iyo waayo aragnimad ay leeyihiin ay tahay mid iyaga ay ku yeeshan bulshowaynta somaliyeed Tixgalin iyo maamus aad u sareeya, kuna kasbaden dadka Samroonka ah in ay dadka marti da ah ay si wanaagsan u marti galiyaan iyo soo dhaweeyan, taasi oo ah mid soo jireen ahay oo ab ka ab laga soo dhaxlay, waxyaabaha ka reerban dadka Gadabuursiga ah waa Sida Gagaalka, Xasarad iwm taasii oo ay ka nahinayso Caqoonta Diiniyanka ah iyo ta maadiyanka ah ee ay leeyihiin, runtii qofkastaa inta caqoon uu leeyahay uunbuu wax kala wadi karaa,(Ninkastaaba kas kiisu la kaadi tagaa)
MAAMULKA IYO SANDANAD GADABUURSIGA
Gadabuursiga maamulka ugu sareeya ee ay leehiin waa Saladan ku dhisan Ugaas, Salaadiin, Xeerbeedti, maamulkeed ku dhisan yahay Diiniyan iyo dhaqan Wadani ah oo suuban, Gadabuursi waxay saldanadoodu tirsataa 17 ugaas qoyska SAMROON ee iska leh saldanda waxaa la yidhaahda Reer Ugaas, Waana hanta la yidhaahdo MAKAAHIL dhanka farcanka GADABUURSI.
Dadka Gadabuursigu waa dad runtii maamulkood iyo kala daynbay waligood lehaa ilaa iyo maanta aanwax isbadal ah aanu ka jirin dhexdood waxii talo iyo tabaalo ah ee jirataa dhan ka wada taagan, iyaga oo la kaashana yaan Caqoonta Diiniyanka ah iyo ta maadiyanka ah ee ay qaaban kuna caan baxeen,
Hadii Taariikhda Rasmiga ah ee soo jireenka ahaa ee GADABUURSIGA aad rabto waxaa ka raadsataa buuga magaciisa la yidhado (FUTUUXUL XABASH) ee yaala magaalada herer garahaan maqaamka Sheekh CABDIL QAADIR, Buugasi ood ka heli karto Bilaw ilaa iyo dhamaystir Taariikhda Gadabuursiga,
DAGMOOYINKA IYO DAGAANKA GADABUURSIGA
Dadka Gadabuursigu waxay gadaan ahaan ay dagaan Gobolka Awdal gobolkaasi oo ay ka mid ah Gobolada Waqooyi ahan ka u xiga Cidhifka waqooyi ahan Gobolka ugu qanisan dhinaca Shidaalka lehna ilaa 3 ceel oo shidaal ah oo la sahamiyay oo aan wali la qodin oo leh shidaal Dabiiciyan ah, iyo waliba Gobolka Awdal waxaa kale oo uu leeyahay Ban wayn oo ku wanagsan dhinaca wax beerasha, (banka Giriyaad)Waxaa kale oo uu leeyahay Gobolkani Buuro Dahab kuwaasi oo ay ka mid yihiin (Siimood, Jiif, Dhoofo, Gobolkani Waxaa uu leeyahay bad aad iyo aad u baax wayn iyo walib jasiirada ay ka mid yihiin (Sacadiin, Geedceebed) ahana jasiirada ugu waa wayn marka loo eego dhamaan Soomliya Oo dhan, Gobolkani marka la barbar dhigo dhinaca beeraha Gobolka Waqooyin waa uu kaga horu marsan yahay, oo wax uu leehay dhul beerad aad iyo aad u badan, waxaa uu dhamaan Gobolka awdal kaga qani san yahay gobolad Kale ee Somaliya (Milixda.
INTA DAGMO EE UU KA KOOBAN YAHAY GOBOLKA AWDAL
Gobolka Awdal waxaa uu ka kooban yahay 4 dagmo kuwaasi oo kala ah sidaa hoos ku qoran
1. Degmada Borama 2. Degmada Baki 3. Degmada Lughaya 4. Degmada Saylac
Afartani degmo waa afarta degmo ee ay ka kooban tahay Gobolka Awdal kuwaasi oo aan meelaha qaar kood aan kaga soo hadalnay,
MAGAALO MADAXDA GOBOLKA AWDAL
Magaalo madaxda gobolka Awdal waa magaalada Baki taasi oo ah magaalo badaxda rasmiga ah ee Gobolka awdal waxaanay ku taala magaalda Baki Dhulka ugu rooban uguna beeraha badan marka loo eeg Gobolka awdal dhinaca roobabka iyo cimilada kaleba waxaanu leedahay magaalada waxyaabo faro badan oo aan odhan karno waxany kaga horumarsantahay dhulka kale, iyada oo Magaaladan ay leedahay Biyo dabiiciya oo filtaraysan