Talk:Soomaaliya

From Wikipedia

Text to be merged from en.wikipedia:

LAANTA XIDIGISKA

Culuunta xidigiska waxaa horumarkeeda ka mas'uul ah aqoonyahanadii u hana qaadey Dunida Islaamka. Waxaa sugan in Islaamka heer aad u sareeya uu gaarsiiyey waxa maanta ka jira badankii laamaha culuunta sida xisaabaadka, dawada, juquraafiga, ganacsiga iyo nidaamka beeca, sharciga, badmaaxa, abaabulka ciidamada xooga, falsafada, beeraha iyo caafimaadka bulshada.

Ummadii ugu horeysay ee karantiil ku joojisa faafid cudur waxay aheyd Muslimiintii deganaa dhulka Carabta. Cilmiga Alkami iyo laanta xisaabta ee Aljebra waxaa ay reer galbeedka buugaagta ku qoraan in Carabta laga dhaxley. Balse adeega iyo horumarinta intaas way ka dheereyd wayna ka baaxad wayneyd.

Taas annaga oo og, waxaan is waydiineynaa markii Maamulkii Islaamka uu sharfey barashada laamaha culuunta iyo wax walba oo aadanaha horumar u ah; dhibna aan gaarsiineyn diinta Islaama, maxaan ku kordhiney laanta Xidigiska ama barashada cilmi falaga?

Culimadii Xidigiska Ee Islaamka

Falagyaqanada dunida Carabta ee magaca leh waxaa ka mid ah Yaquub Ibn Tariq, al-Kwarismi, al-Battaani, al-Farqani, al-Suufi, al-Biruni, al-Tusi iyo Cumar Khayyam. Buugaag ay nimankaan qaar ka mid ah qoreen iyo faalooyin looga faaloonayo howshoodii ayaad heli kartaa hadii maktabada baarto.

Nimankaan caanka ah qaaraankooda aqooneed wuxuu badankii ka soo jeeda laanta xisaabta laakiin xidigis qof aan xisaab aqoon ma baran karo kamana faaloon karo. Alifaad xogogaal, adeegsiga toorbinada ama diiradaha araga fog, iyo ururinta qoraal waxay u baahanyihiin maskax xisaab taqaan.

Dayaxgacmeedka iyo alaadaha wax cabira ee loo adeegsado barashada iyo u kuurgalka xidigiska iyo guud ahaan cilmiga falaga, shaki la'aan waxaa ku dheereeya reer galbeedka. Sidaas ayeyna arintu aheyd 100 sano wixii ka danbeeyay ee qarnigan. Balse aqoonta xidigiska waxay bilaabtey, gaar ahaan culimadii Islaamka ahaa waxay bilaabeen labo qarni ka dib bilowgii taariikhda Hirjada.


Soomaalida iyo Adeegsiga Aqoonta Xidgiska

Dhanka Soomaalida iyo waxa ummadeena ay ka taqaan cilmiga xidiska iyo adeegsiiisa. Baaris dheeraad ah ayey u baahantahay sida reer miyiga maanta u adeegsadaan aqoontooda xidigiska.

Magacyada Af Soomaaliga Ee Cirarka

Hadii aad fiiriso qaamuuska Af Soomaaliga, waxaad arkaysaa in ummadeena oo reer miyi iyo ma akhristayaal u badan hadana inaan (dhulalal)ama meerayaasha ula baxney magacyo asal ah sida:

1. Dusaa (Cuddaar) 2. Waxaraxir (xidiga waabberi) 3. Dhul 4. Farraare (Mariikh) 5. Cirjeex ama Cirjiir 6. Raage (Saxal) 7. Uraano 8. Nebtuun iyo 9. Buluuto.

Sidaad aragto sagaal cir ayaa jira. Reer galbeedka waxay yiraahdaan waa sagaal dhul ama (9 planets). Ka tuur labada dambe. Maxaad haysaa? Waxaad haysaa todobada "cir" ee culimadeenii ay kutubtooda ku qoreen qarno badan ka hor.

Caqliga bini-Aadamkase hadii aad dhulka joogto, wax adiga kaa sareeyo dhul ma dhihi kartid caqliyan ee waxaad oran kartaa cirar. Waa sidaas falsafada Islaamka oo samooyin ayaa jira oo 7 (sabca samawaat ah)ee "dhulal" wax la yiraah ma jiraan. Oraahdan waa fikradii ay qabeen ukuurgalayaashii Islaamkii xiligii ay howshooda socota. Waana sida aad ku arki karto kutubtii ay ka qoreen mowduucan.

Waxaa lagama maarmaan ah in fadhi ku haboon la helo si barashada iyo aqoonta gaar ee ay Soomaalida u leedahay cilmiga falaga la helo sida waax jaamacadeed iwm.

Qoraalo kale oo waxaa jira raadraac ku samaynayo sida Soomaalida ay ugu xisaabtanto aqoonta aasaasiga ee cilmi falaga.

Qodobkaaan diba ayaan u tafaftiri doonaa insha Alaah.

Saylac Sh Diini Keydka Ummada, Baardheere 2005